Somali News

Banaanbaxyo waaweyn oo maalintii 2aad ka socda Muqdisho

Magaalada Muqdisho iyo meelo ka mid ah Gobollada dalka waxaa wali ka socda banaanbaxyo ka dhan ah Dowladda France.

Shalay ayey ahayd markii ay banaanbaxaydo hal mar ka wada billowdeen Muqdisho, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Maanta waxaa ay ka dhacayaan Muqdisho oo ay haddaba ka socdaan, Baydhaba iyo magaalooyin kale.

Banaanbaxayaasha ayaa habaaraya Madaxweynaha France oo aflagaaddadii nabiga NNkH Ku tilmaamay xorriyatul qowl.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay hadalka France waxaa sidoo kale Caalamka oo dhan ka socda banaanbaxyo lagu cambaareynayo France.

 

Back to top button