Somali News

Bananabax rabshado wata oo ka dhacay Gaalkacyo

Wararka  ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in banaanbax uu ka dhacay halkaas.

Dadka banaanbaxaya ayaa u badan ganacsato ka cabanaya sicir barar ka jira deegaannada Maamulka Puntland.

Wadfooyinka Waqooyiga Gaalkacyo mara ayey xireen dadka banaanbaxaya waxaana sidoo kale xiran Ganacsiyada.

Shalay ayaa sidan oo kale loo xiray Ganacsiyada Garowe hayeeshee Booliska ayaa ka hortagay banaabax dhici lahaa.

Adeegsiga kunka Shilin Soomaaliga ah ayaa laga diiday deegaannada Puntland kaddib markii halka doollar uu gaaray 42ku shilin Soomaali ah.

Maamulka Siciid Deni ayaa ku fashilmay in uu wax ka qabto sare u kaca nolosha iyo qiima dhaca kunka Shilin Soomaaliga.

 

Back to top button