Bangiga Adduunka, oo agaasime u magcaabay 4-waddan oo Soomaaliya ay ku jirto.

Keith Hansen, oo Baanka adduunku uu soo magcaabay gaasimaha cusub ee waddamada Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda, ayaa lagu wadaa in shaqada uu bilaabo maanta oo talaada ah.
Hansen, oo muddo kabadan 30 sano ka shaqaynayay arrimaha horumarinta ayaa madax ka noqon doona in ka badan 100 mashaariic oo ay ku kacayso lacag ka badan $13 bilyan (Sh1.4 trillion).
Waxa uu fadhiggiisu noqon doonaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Ninkan, ayaa lataliye kasoo noqday xafiiska guud ee Baanka Adduunka, waxaan magacaabistiisu ay ku soo beegmaysaa xilli dhammaan dowladaha Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda ay la daalaa dhacayaan saameynta xanuunka safmarka ah ee coronavirus.
Keith Hansen, oo dhalasho ahaan kasoo jeedka dalka Mareykanka ayaa shahaadad heerka koobaad ee sharciga waxa uu ka qaatay Jaamacadda Stanford isaga oo Shahaada heerka labaadna ka qaatay Jaamacadda Princeton.