FeaturedSomali News

Barakac ka bilaabmay xaafadaha Beledweyne.

 

Fatahaad maalmahanba laga cabsi qaybay in uu sameeyo webiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne, ayaa lagu soo warramayaa in ay ka bilaabantay 24-kii saac ee ugu dambeeyay qaybo kamida magaalada.

 

Qaarkamida xaafadaha magaalada, ayaa biyu qarqiyeen kadib markii uu webigu karkaaraha jabsaday.

 

Boqolaal qoys, ayaa lasoo sheegayaa in xalay illaa maanta ay  ka barakaceen guryahoodii  oo ay biyo ugu soo galeen.

 

Dhawaan ayay ahayd markii ay qaylo dhaantu isqabsatay kadib markii uu wabigu si xusun ugu fatahay magaalada, wakhtigaas oo daadadku ay khasaare naf iyo maal ba ah u geysteenn magaalada.

Back to top button