Maxay tahay sababta Barasaabkii Gaarisa, xabsiga loogu taxaabay |Akhri Xogtan.

Barasaabkii degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Ismaamulka Soomaalida Kenya Cali Bunow Qorane, ayaa goor dhawayd loo taxaabay xasbiga, kadib markii lagu soo oogay dacwad ku saabsan musuq maasuq.
Agaasimaha waaxda dacwad oogista Kenya (DPP) Nuradin Haji, ayaa 11-kii bishan amray in lasoo xiro barasaabka Gaarisa iyo afar sarkaal oo ka tirsan maamulka degmadaasi , kadib markii lagu tumay xatooyo lacag gaaraysa 235 milyan oo shillin, oo kamida lacag uu bixiyay Bankiga Adduunka.
Lacagtan ayaa dollar ahaan u dhiganta 2,167,579 (laba milyan, boqol lixdan iyo toddoba kun, shan boqol toddobaatan iyo sagaala).
Bayaan kasoo baxay ayuu Noordin Haji ku sheegay in amarka xariga uu ka dambeeyey kadib markii lasoo geba-gebeeyey baaritaan ay Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (EACC) ku sameeyeen lacag si qaladan loo adeegsaday oo la siiyey maamulka, taasi oo qeyb ka ahayd Barnaamijka Taageerada Magaalooyinka Kenya ee uu bixiyey Bankiga Adduunka.
Dawladda Kenya, ilaa hadda wax war ah kama ay soo saarin xariga guddoomiyaha.