Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada ee 2018-2020 oo lagu Daah furay Muqdisho

Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa Daah furay mashruuca Waxbarashada Dalka kaasoo oo loo qoondeeyay lacag dhan 33. 1 Milyan Doolar.
Mashruucan ayaa la sheegay inuu socon doono muddo saddex sano ah 2018 – 2020-ka, waxaana maalgelinaya Global Partnership for Education (GPE), waxaana lagu taageerayaa waxbarashada caruurta Soomaaliyeed oo maamulllada loogu kala qoondeyay sida soo socota:
Puntland: $5.6 Milyan oo Doolar
Somalialnd: $9.6 Milyan oo Doolar
Soomaaliya inteeda kale: $17.9 Milyan Doolar
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada ayaa fulin doonta barnaamijkan.
Barnaamijkan ayaa xooga saari doonaa kor uqaadida tirada iyo tayada ka qaybgalka waxbarahada caruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macalinka, tayaynta dugsiyada dawlada/bulshada, xoojinta kormeerka, manhajka qaranka iyo xoojinta awooda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dawlada gaar ahaan dawlad goboleedyada.
Wasiirka qorsheynta iyo dhiiri gelinta maalgashiga Mudane Jamaal Xasan ayaa sheegay in dawlada ahmiyada labaad ay siisay waxbarashada marka laga reebo amniga maadaama waxbarashadu door muhiim ah ku leedahay ladagaalanka jahliga iyo amni xumada.
Rina Dhala oo ka socotay hey’ada USAID ayaa tilmaamtay in waxbarashada ay lagama maarmaan utahay yaraynta saboolnimada, dhisida bulsho nabadeed iyo kor u qaadista isku duubnida bulshada sidaa darteed ay mudan tahay in la taageero waxbarasada caruurta Soomaaliyeed.
Waxaa Daa-furka mashruuca goobjoog ka ahaa: Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan, wasiir ku xigeenka Waxbarashada Feysal Cumar Guuleed, Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xasan Maxamed Cali, Xoghayaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Xasan iyo madax ka socota USAID, UNICEF iyo Midowga Yurub.