Somali News

Beesha Caalamka oo billowday kulamo loooga hadalyo xiriirka DF iyo D.Goboleedyada

Wakiillo ka socda qaar ka mid ah saaxiibbada dalka ee muhimka ah ayaa horraantii toddobaadkan la yeeshay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Islaam ‘Madoobe’ kulan fogaan arag ah.

Kulanka ayaa daba socday kulamo ay saraakiisha caalamiga ahi la leeyelanayeen madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka ah- saraakiishaas waxaa ka mid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (AU), Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga; Madaxa IGAD, Madaxa Ergada ee Urur-goboleedka IGAD, Jamal Ahmed Ibrahim iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Masuuliyiintu waxa ay dhiirri geliyeen sii wadista wada shaqeynta Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowladda Dhexe; horumarka laga gaarey u diyaargarowga doorashooyinka, oo ay ka mid yihiin dadaallada amniga doorashada ee ka dhanka ah Al-Shabaab; iyo, in ay Jubaland gaarto dib u heshiisiin waarta.

Back to top button