Somali News

Beesha Caalamka oo ka hadashay muranka doorashada Soomaaliya

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ka hadlay muranka dhinaca doorashada ah ee ka taagan Soomaaliya.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ayeu kaga dalbadeen dowladda iyo mucaaridka in ay qabtaan doorasho heshiis lagu yahay.

“Saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka waxa ay aad uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hannaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ay ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.
Waxa ay ugu baaqayaan saamilayda siyaasadeed ee sar-sare in ay muujiyaan hoggaan iyadoo la tixgelinayo danta ummadda iyo in ay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta doorashooyinka iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loo sii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca sida ugu dhakhsiyaha badan”.

Back to top button