FeaturedSomali News

Beledweyne oo laga cabsi qabo in webigu ku fataho.

Walaac laga qabo  fatahaadda wabiga shabelle ayaa aad u korortay,  waxana si weyn looga daremayaa xaafadaha magaalada Beleweyne.

 
 
 24-kii saac ee ugu dambeysay, ayaa cabsida ku aaddan fatahaadda webiga waxaa laga dareemayaa gudaha magaalada, kadib markii biyaha wabiga ay meelsare gaareen.
Guddiga gurmadka fatahaaddaha, ayaa si rasmi ah u shaaciyay iney jiraan dad hortaagan howlaha biya xireenka kuwaas oo ka shaqeynayo sidii ay u barakici lahayeen shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaaddaha Beledweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney maalmahan dambe ay soo kordhayeen dad doonaya iney fashiliyaan dadaalada lagula tacaalayo  ka hortagista faatahaadda webiga.

Shalay galinkii dambe, ayay ahayd markii qeyb ka mid ah biya xireenka deegaanka Qooqane laso furay taas oowalaac xoogan ku abuurtay bulshada reer Beledweyne.

Fatahaadda webiga oo dhawr jeer, soo noqnoqotay, ayaa khasaare naf iyo maalba leh magaalada ka geysatay marbadan iyada oo ay Beledweyne ka barakacaan dad aad u tiro badani.
 

Back to top button