FeaturedSomali News

Booliiska , Wasiirka Amniga iyo Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya oo loo haysto dilalka dad shacab ah.

 

Ciidanka Booliiska ee Dalka Kenya, ayaa loo haysa dilalka dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ay laayeen wakhti uu socday bandawga Covid-19.

 

Hay`adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee  Amnesty International Kenya, International Justice Mission Kenya, Haki Africa iyo Kituo cha Sheria ayaa gudbiyay codsi ah in lacag magdhow ah la siiyo shan qof oo ay tacaddiyo u geysteen booliiska, inta uu socdo bandowga Covid-19.

 

Waxay dacwad ka gudbiyeen taliyaha booliiska, wasiirka ammaanka iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Kenya.

 

Hay’adaha, ayaa tilmaamay in masuuliyiintani ku fashilmeen waajibaadkoodii shaqo ee dhawrista xuquuqda shacabka iyado oo adkaynta bandawgii Covid-19 ay sababtay dhimasho iyo dhaawacyo lagula kacay dadkaas shacabka ah.

 

Shan qof oo dhibbane u ah Booliiska ayay hay’aduhu dalbadeen lasiiyo magdhaw dhan 500,000 oo shilinka Kenya ah ($4,600; £3,600) .

 

Dadka ay u doodayaan waxaa ka mid ah wiil yar oo 13 sano jir ah laguna magcaabo  Yassin Moyo oo lagu toogtay balakoonka gurigooda, xilli ay booliisku xoojinayeen bandowga habeenkii.

 

Hal sarkaal booliis ayaa loo maxkamadeeyay dilka Yassin, wuxuuna bannaanka ku joogaa damaanad.

Dhibbanayaasha kale waa Joseph Simiyu, Judith Simiyu, Daniel Waithugi Nga’nga iyo Jacktone Ouma Ochilo.

 

Dowladda, waxa ay khafiifisay bandowga iyadoo xilliga uu bilaabanayo dib loo dhigay muddo  labo saacadood.

 

Back to top button