Breaking NewsSomali News

Booliska Afgooye oo qabtay Rag Carruur afduubayay

ciidamada Amniga Degmada Afgooye ayaa gacanta ku dhigay Rag laba ah oo gabaryar ka afduubayay Magaalada.

Waxaa ay isku dayayeen in gabadha yar oo waayadan la raadinayay ay Gaari PL ah ka saaraan Afgooye.

Muuqaal laga duubay ayey Ku sheegeen in ay ka tirsanyihiin shabakad carruurta afduubata.

Labada Nin midkood ayaa sheegay in cunuggiiba lagu siiyo lacag dhan $500 oo doollarka Mareykanka ah.

Booliska Degmada Afgooye ayaa sheegay in gabadha yar ay Ku wareejinayaan ehelkeeda sidoo kalena Ragga la qabtay ay horgeynayaan Hay’adaha garsoorka.

Magaalada Muqdisho ayaa waayadan waxaa ka jiray afduubka Carruurta iyada oo ay waaliddiinta walwal ka muujiyeen arrintan.

 

Back to top button