Somali News

Booliska Baladweyne oo gubay Qamri ay qabteen

Ciidanka Boliiska Dagmada Beledweyne ayaa gacanta ku dhigay 197 Dhalo oo Qamri ah kuwaas oo loo waday Magaalada Muqdisho Waxaa lagu soo dhax qariyay Xaaqin.

Goob Fagaaro ah oo ku sugnaayeen Maayarka Magaalada Beledweyne, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka, Taliyaha Saldhiga Boliiska Dagmada Beledweyne iyo Taliyaha Qeybta Boliiska Gobalka Hiiraan ayaa lagu Gubay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka C/rixiin Taakoy iyo Maayarka Magaalada ayaa si wada jir ah u Bogaadiyay Shaqada ay qabteen Ciidanka Saldhiga Boliiska Beledweyne ee uu horkacayey Taliyaha Saldhiga Boliiska Dagmada Beledweyne L/X/LE Maxamed Qorshel.

Maxkamadda ayaana loo gudbiyay Edaysanihii Lagu soo qabtay isago howshan ku guda jira.

Back to top button