Somali News

Booliska Baladweyne oo joojiyay banaanbax ka dhan ahaa Farmaajo

Booliska magaalada Baladadweyn ayaa is hor istaag Ku sameeyay Banaanbax maanta lagu waday in uu ka dhaco magaaladaas.

Maanta barqadii ayaa Ciidamo ka tirsan booliska Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxa ay joojiyeen banaanbax looga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle iyo go’aanka Farmaajo ee Madaxeeynaha Hirshabeelle looga wareejinayo Baladweyne.

Taliska Booliska Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay faahfaahin ka bixiyeen sababaha keenay inay ay joojiyaan banaanbaxa ay dadka reer Beledweyne ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan habka lagu wado dhismaha Hirshabelle.

Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne laba Xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay in aan Magaalada Baladweyne lagu qaban karin Banaabax aan laamaha Amaanka ka war qabin laguna soo wargelin.

Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Beledweyne ayuu ku sheegay taliyaha in ay talaabo ka qaadi doonan cid kasta oo banaanbax aan la ogeyn ku qabata Magaalada.

 

Back to top button