Somali News

Booliska Boosaaso oo soo bandhigay Rag dil iyo kufsi geystay

Booliska Magaalada Boosaaso waxa ay soo bandhigeen labadan eedeysane oo qiranaya inay kufsi & dil arxandaro ah u gaysteen gabaryar.

Waxa ay qiraalkooda ku sheegeen gabadha inay gaari yar ku soo qaateen, kadibna gacmaha uga xireen cimaamad oo ay kufsadeen, intaas kuma sii ekeen oo haddana cimaamadii ayeey ku ceejiyeen gabadhii oo ay ku dileen, arxandaradooda haddana gabadhii maydkeeda ayeey dul marsiiyeen gaarigii ay wateen oo madaxa ayeey ka jiirsiiyeen maydka Marxuumada.

Muddo laba maalin ah maydka Gabadha wuxuu yaalay Isbitaalka Magaalada Boosaaso, maadaama la garan waayay.

 

Back to top button