Somali News

Booliska Guriceel oo ka warbixiyay Gabar la afduubtay oo ay qabteen

Taliska Booliska ee Magaalada Guraceel ayaa ka warbixiyay sida ay Ku qabteen Gabar shalay laga afduubay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Dhamme Cismaan Cali Hudey,  ayaa xaqiijiyey in ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaari rakaab ah oo ay saarneed Hibo Maxamed Xasan taas oo la sheegay in shalay laga afduubtay magaalada Muqdisho

waxaana uu taliyuhu sheegay in dhamaan dadkii saarnaa gaariga la hayo baarisna ay ku socoto.

Inta badan falalka Afduubka ee ka dhaca Muqdisho waxaa lala aadaa Galmudug.

Eedeysane Gabar kufsaday dhisme dheerna ka tuuray ayaa lagu qabtay Cadaado.

Nin qoys ka kooban shan qof Ku diley Weydow ayaa lagu qabtay Gaalkacyo.

Gabar u dhalatay Germany una shaqeyneysay ICRC ayaa lala aaday Hobyo.

Halka Hibo oo shalay laga qafaashay Howlwadaag saaka lagu qabtay Guriceel.

Back to top button