Somali News

Booliska Jubaland oo qabtay Dad Maandooriye gelinayay Kismaayo

Booliska Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa gacanta ku dhigay Rag ka ganacsada Maandooriyaha.

Booliska Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa hawlgal ay ka sameyeen degmadda Kismaayo ku soo qabtay ragaan idiin muuqda ayagoo lagu eedeyay in ay magaalada soo galinayeen maandooriyaha loo yaqaan Xashiishka waxaana lagu soo qabtay maandooriyihii ay doonayeen in ay ka ganacsadaan, saraakiisha Booliska Jubbaland ayaa sheegay in dhawaan la horgeynayo hay’adaha cadaaladda eedeysanayaashan.

Jubaland ayaa sidan oo kale marar badan soo bandhigtay Rag ka ganacsada Maandooriyaha kala duwan.

Back to top button