Somali News

Booliska Kenya oo sheegay in ay qabteen Hub iyo dadkii watay

Hay’adaha amniga Waddanka Kenya ayaa gacanta ku dhigay saddex of iyo Hub ay gudbinayeen oo ay u wateen si sharci darro ah.

Howlgal ay Ciidamada Kenya ka sameeyeen Gaarisa ayaa waxaa lagu sheegay lagu soo qabtay ilaa saddex qof oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin AL shabaab.

Saddexda Qof ayaa lagu qabtay 8 Qori, 2,104 Xabbo oo Rasaas ah iyo 20LT oo shidaal ah waxaana lagu qabtay Waddada Mashquulka badan ee lagdheera.

Rono Bunei,oo ah Taliyaha Booliska Waqooyiga Kenya ayaa sheegay in Raggaasi la qabtay afar saacadood oo lagu dabajiray kaddib.

Boolisku waxaa ay sheegeen in goobta dadkaas lagu qabtay ay ku dhawdahay Dhadhaab  halkaas oo ay ku suganyihiin Kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo ay Kenya dhawaan ugu hanjabtay in la barakicinayo.

Back to top button