Somali News

Booliska Puntland oo howlgallo ka wada waqooyiga Gaalkacyo

Ciidamada amaanka Puntaland ayaa howlagallo ka billaabay Waqooyiga Gaalkacyo kaddib dil xalay ka dhacay magaaladaas.

Baaritaanada ayaa daba socda dil xalay xaafadda Israac ee waqooyiga Gaalkacyo loogu geustay Siciid Jaamac Maxamed oo ahaa taksiile.

Dabley Hubeysan ayaa Siciid Ku dhex dishay Masaajidka Abuu hureyra ee Magaalada Gaalkacyo waxaana ay isaga baxsadeen.

Siciid oo Ku magac dheeraa Maradoona ayaa Taksigiisa uga shaqeyn jiray Waddada xiriirisa Gaalkacyo iyo Garowe.

Ma jirto ilaa hadda cid ay hay’adaha amaanka u qabteen dilka Siciid Maxamed Jaamac, waxaana wali socda howlgalka Booliska.

Back to top button