Somali News

Booliska Puntland oo ka hadlay weerarkii Xabsiga Boosaaso

Booliska Magaalada Boosaaso ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka warbixiyay khasaaraha weerar xalay lagu qaaday Xabsiga weyn ee Boosaaso.

Taliyaha Booliska ee qaybta Gobalka Bari xuseen cali maxamuud oo Shir jaraaid ku qabtay Xabsiga wayn “Gaalshiraha ” boosaaso ayaa sheegay in lasoo afjaray weerar kooxo hubaysan ay xalay ku qaadeen xabsiga .

Khasaaraha dhanka ciidanka ayuu ku sheegay in hal askari ka dhintay 2 kalena ay ka dhaawacmeen isaga oo sheegay in Kooxdii weerarka soo qaaday laga dhex baarayo Dadka loo qabtay weerarka maadaama ay habeen ahayd .

Ilaa hadda faahfaahin intaa ka badan lagama hayo weerarka ay xalay hurdada uga salaleen Shacabka Boosaaso.

Back to top button