Somali News

Booliska Somaliland oo xiray Soomaali Kiristannimada faafinayay

Hay’adaha amaanka Somaliland ayaa gacanta Ku dhigay laba qof oo Soomaali ah islamarkaana faafinayay Diinta Kiristanka.

Afhayeenka Booliska Somaliland ayaa sheegay in labada qof midkood uu yahay Rag, Diinta Islaamka iyo Fiqigana si fiican u garanaya.

Waxaa uu afhayeenku sheegay labada qof ay ka baxeen Diinta Islaamka kaddibna qaateen kiristaanimada kuna faafinayeen degaannada Maamulka Somaliland.

Booliska ayaa howlgal ay ka fuliyeen Hargeysa Ku soo xiray labada qof kuwaas oo faafin qarsoodi ah waday.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh ay Ku wareejinayaan labada qof.

Dhowr jeer ayaa baraha bulshada lagu baahiyay in Somaliland laga furay kaniisad halka kuwo kalena wax ka sheegayeen iskuul Ku yaalla duleedka Hargeysa.

Back to top button