Somali News

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dhaca ay Ciidanka DF ka geystaan Muqdisho.

Taliyaha Booliska SOomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa ka hadlay falal dhaca Taleefanada la xiriira oo maalmihii la soo dhaafay ku batay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay geysanayaan Askarta Dolwadda Federaalka ah.

Taliyaha oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof ay u xir xireen falalka la xiriira dhaca dadweynaha ee ka socda Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in shalay howlgal ay sameeyeen Ciidamada booliska Gobolka Banaadir ay dhaca Mobeelada u qabteen 30 Ruux oo laga tuhmayo inay kamid yihiin dadka dhaca geysanay.

Taliye Xijaar ayaa ku amray Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir unay tallaabo deg deg ah ka qaadaan  Kooxaha Burcada ah ee xilliyada habeenkii dadka Shacabka ah dhaca u geysanaya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir waxaa dhac loogu geystay dad Shacab ah, iyada oo falkaas ay ka dambeeyeen Kooxo hubeysan oo qaarkood Mootooyin Bajaaj ah wata.

Back to top button