Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis oo Qaabilay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa (Sawirro)

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis.ayaa xafiiskiisa Qasriga Yamaama ee magaalada Riyaad ku qaabilsan wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo sidii loo sii xoojin lahaa, waxay kaloo labada dhinac ka hadleen xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika, sida ay shaacisay wakaalada Wararka dalka Sacuudiga.

“Waxa aan maanta Qasriga boqortooyada kulan kula qaatay boqorka dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis. Waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda…” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Booqashada wafdiga Ra’iisal wasaaraha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa inay maanta soo gabgabowdo, isagoo hore ula kulmay wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Aljubair.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Askar lagu Caddeyn waayey Dembi lagu soo oogay

Wadani Media

Ciidamada NISA Gacanta ku dhigtay Qof dhoofinayey Lacag been abuur ah & kooxda Daabacda (Sawirro)

Wadani Media

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo War kasoo saartay khilaafka Maamul Goboleedyada & Doorashooyinka

Wadani Media

Afar ka mida Madaxda Maamul Goboleedyada oo Beesha Caalamka & IGAD ka codsaday Faragelin [War-Murtiyeed]

Wadani Media

SAWIRRO: Ra’iisal Wasaaraha oo kormeer ku sameeyay shaqada Dekadda Muqdisho & Wasaaradda Maaliyadda

Wadani Media

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Xukun toogasho iyo bixin Diyo Dib ugu xukuntay Askar ka tirsan Ciidamada

Wadani Media