Somali News

Burburin ka socota Xaafadda Imbagaati ee Afgooye.

Ciidanka Booliska Degmada Afgooye ayaa howlgal burburin ah ka billaabatay Xaafadda Imbagaati ee Magaaladaasi.

Dadkii deganaa ayaa xoog looga saaray waxaana la geliyay Baldoosarro duminaya guryaha.

Muranka xaafadda Imbagaati ayaa waxaa uu sababay xilka qaadista Guddoomiyihii hore.

Ciidanka Asluubta oo iska leh dhulkaas ayaa Booliska u sheegay in ay faraha kala baxaan.

Hayeeshee waxaa Milkiyadda dhulka sheeganaya Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre kaas oo ganacsade ah.

Odayaal dhowr ah ayaa xabsiga u galay iyaga oo qaarkood loo soo wareejiyay xabsiyo Ku yaalla Muqdisho.

Xaafadda Imbagaati ayaa dhisantay 2004tii waxaana loogu magacdaray Shirkii Imbagaati ee lagu soo dhisay Dowladdii Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Back to top button