FeaturedSomali News

C/casiis Lafta-Gareen oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa ku ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed.

Doorasho ka dhacday maanta ayaa ku dhawaaqay in kadib markii Wareega Koowaad uu helay 101-Cod halka Kaalinta Labaad uu galay Musharax Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo helay 22-Cod.

Waxaa doorashad ku tartamay musharixiinta kala ah:

1- Xuseen Cismaan Xuseen

2-  Aadan Maxamed Nuur Saransoor

3- Ibraahim Macalin Nuunow

4-  Sayid Axmed Sheekh Daahir

5- iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Doorashada  Madaxweynaha Koofur Galbeed oo kadhacday magaalada Baydhabo, waxaa ka qeyb galay 147-Xildhibaan oo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed ee Afarta sano ee soo socota hogaamin doona Maamulkaasi ayaa loo dhaariyay xilkiisa.

 

Tags
Back to top button
Close
Close