Somali News

C/Raxmaan C/Shakuur oo sheegay in Guddiyada doorashada Hirshabelle iyo Galmudug laga soo xulay NISA

Hoggaamiyaha Mucaaridka ah ee C)Raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa sheegay in guddiyada doorashooyinka dowlad Goboleedyada Hirshabelle it Galmudug laga soo xulay Nabad Sugidda iyo Taageerayaasha Farmaajo.

Qoraal uu ku daabacay baraha Bulshada ayuu ku sheegay in guddiyadaas ay yihiin xubno ka mid ah Hay’adda NISA iyo taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa sidan yiri:

“Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugida Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugida. Halka Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha. Suuragal maaha in aan masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay doorashadooda ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah”.

Back to top button