FeaturedSomali News

C/xakiin Camey: “Go’aanadii Maamul Goboleedyada ee Garowe waxay ahaayeen Riyo maalmeed aan laga fiirsan..”

Madaxweyne ku xigeenka  Puntnland  C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, isagoo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ee kasoo baxay shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Garowe.

C/xakiin Camey ayaa madaxda maamul Goboleedyada dusha u saray inay sabab u yihiin khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka, isagoo sheegay in wixii ka soo baxay Shirkii Garowe uu ahaa  go’aano aan laga fiirsan.

“Go’aamaadasi waxaan u arkaa riyo maalmeed aan suuragal ahayn, qof kastoo Soomaali ah wuu la yaabay, iyagana uma aha suuragal, dalkana suuragal kama aha, khaladka waa loo wada jeedaa wuxuu ahaa go’aan aan laga fiirsan…” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland C/XAKIIN CAMEY.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wareysi siiyey idaacadda Kulmiye ayaa  ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ciidamada iyo Culimada Puntalnd oo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ku gaareen magaalada Garowe, wuxuuna sidoo kale hambalyo u diray Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir oo soo dhoweeyay baaqii madaxweyne Farmaajo.

Tags
Back to top button
Close
Close