Somali News

Cabdi Xaashi oo Mucaaradka ku qancinaya Guddiga uu soo dhisay

Guddoomiyaha xisbiga Sahan Abdikarim Hussein Guled ayaa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaaahi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagu soo xulo hannaan lagu wada qanacsanyahay.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahanyahay talo, wadahadal, isu tanaasul iyo heshiis loo dhanyahay si loo helo xasillooni hore loogu socdo.

Guddoomiyaha XISBIGA SAHAN PARTY Cabdikariim ayaa dhinaciisa sheegay in muhiim ay tahay helidda xal waara oo degdeg ah oo ay gaaraan saamileyda siyaasadda si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsanyahay.

Back to top button