FeaturedSomali News

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Rooble oo kulmay.

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa lasheegay in kulan gaara uu maanta layeelanayo raysal wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble.

 

Inkasta oo aan lasheegin waxyaabaha ay ka wada hadli rabaan, haddana waxaa lasheegay in kulanka uu dalbaday raysal wasaare Rooble oo kani uu noqonayo kulankiisii koobaad ee uu layeesho mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo loo arko in uu yahay mucaaradka ugu adag ee dawladda Farmaajo, ayaa maanta galay Villa Somalia muddo saddex sano iyo dheeraad ah ka dib.

Hore, ayuu Cabdishakuur u hambalyeeyay raysal wasaaraha Rooble isaga oo sheegay in muddo dheer ay saaxiibbo ahaayeen, islamarkaana waxa uu ugu baaqay in uu dhex u noqdo madaxwayne Farmaajo iyo mucaaradka isla markaana isku soo dhaweeyo saamilayda siyaasadda Soomaaliya oo uu sheegay in ay kala irdhowday sannadihii lasoo dhaafay.

Back to top button