FeaturedSomali News

Cabdiraxmaan CabdiShakuur, oo kadigay in la boobo kuraasta baarlamanka ee Somaliland.

 

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame, ayaa si adag uga digay in laysku dayo in la boobo kuraasta baarlamanka ee xubnaha kasoo jeeda Somaliland.

Waxaa uu soo jeediyay in faraha lagala baxo doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland isla markaana loo daayo in ay ka tashadaan madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta miisaanka leh ee kasoo jeeda deegaannadaas isla markaana ku sugun Muqdisho.

‘’ Meesha la doonayo in la dhaco ama la boobo, waan garanaynnaa waa doorashada xubnaha kasoo jeeda Somaliland’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Siyaasaga, ayaa ku baaqay in xubnaha kasoo jeeda Somaliland ay codkooda kor u qaadaan oo ka hadlaan arrintan. Waxaana uu ballan qaaday in uu garab istaagi doono oo taageeri doono.

‘’ Waxaan rabnaa in walaalaha kasoo jeeda Somaliland, aan garab istaagno oo taageerno’’

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa noqday siyaasigii ugu horreeyay ee ka hadla arrintan uu sheegay in la damacsanyahay in lays daba mariyo ama la boobo doorashada kuraas baarlamanka ee xubnaha kasoo jeeda Somaliland.

Back to top button