FeaturedSomali News

Cabdiraxman Cabdishakur:Taliyaha Ciidanka Xooggu waxa uu ka amar-qaataa Fahad Yaasiin.

 

Hogaamiyaha xisbiga Wadajira ee Soomaaliya Siyaasi CabdiRaxmaan CabdiShakuur Warsame, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay isku-milan maamul oo uu sheegay in uu ka dhex jiro taliska Ciiddanka Xoogga dalka iyo Taliyaha Nabad-Sugidda Soomaaliya.

Qoraal uu ku baahiyay bartiis Facebook, ayaa siyaasigu ku sheegay in Taliyaha Ciidammada Xoogga Soomaaliya Gen. Yuusuf Odawaa Raage uu ka amar-qaato Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

“Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa isku milanka Taliska Nabad-sugidda (TN), iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka (CXD).Waxaa soo baxaysa in taliyaha CXD uu toos uga amar qaato TN. Amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay CXD ka dhex socotay. Oo ahaa  kuwo u adeegaya dano siyaasadeed, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed” Ayuu qoraalkiisa ku yir CabdiRaxmaan Cabdishakuur.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajira, ayaa intaas kusii daray.

“Saraakiisha xirfadda ciidan leh ayaa lagu beddelayaa kuwo daacad u ah Madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda. Waxaa la tijaabiyaa daacadnimada saraakiisha sar sare ee ciidanka. Waxaa la soo reebayaa intii heyb qabiil iyo daacadnimo la hubo leh”

 

CabdiRaxmaan CabdiShakuur, ayaa tilmaamay sababta keentay arrinta uu aadka uga walaacsanyahay.

 

“Sababta ugu wayn ee loo burburinayo xirfadda ciidanka, loona baabi’inayo mirihii dib u habeynta, waa in loo adeegsado sad-bursi siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed” Ayaa qoraalkiisa ka mid ahaa siyaasiga.

Cabdiraxmaan, ayaa  saraakiisha ciidanka, gaar ahaan taliska Ciidamada Xoogga dalka ugu baaqay, in ay danta Qaranka ka hormariyaan danaha shakhsiga ah, damiirkoodu hago, ilaashadaan diiwanka xirfaddooda shaqo ee mustaqbalka, daacadna qaranka u ahaadaan, kuna xisaabtamaan in ay tirsanyihiin maalamaha ka harsan muddo xileedka madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa Nabad-sugidda.

Back to top button