FeaturedSomali News

Cabdiwali Gaas, oo ku taliyay in aan wasiirro cusub la magcaabin wakhtigan .

Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa raysal wasaaraha cusub usoo jeediyay  in uusan soo dhisin  gole wasiirro oo cusub, maadaama uu sheegay in uu aad u yaryahay wakhtiga uu haysto .

Gaas, ayaa ku taliyay in raysal wasaare Rooble uu  lasii shaqeeyo wasiirradii hore ee xukuumaddii Xasan Cali Khayre.

 

 

Wareysi gaar ah uu siiyay Barnaamijka muuqaalka ah ee laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, isagoo jooga Nairobi ayaa waxa uu sheegay in marka la eego wakhtiga oo yar iyo shaqada oo taalla oo aad u guda weyn looga baahanyahay, ra’iisul wasaaraha inuu fahmo, sidaasi darteedna uusan magacaabin Gole wasiirro.

“Waxaa looga baahanyahay in uusan ra’iisul wasaaraha magacaabin Gole wasiirro, kuwaan joogo uu lasii shaqeeyo, howlaha horyaallana uu wajaho dalka iyo madaxweynahiisana uu daacad u noqdo” ayuu Gaas sheegay.

 

Cabdiweli Maxamed Cali oo marka laga yimaado xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sidoo kale soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu hadalkiisa kusoo aadayaa maalin kadib markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble Golaha shacabka ee Baarlamanku ay siiyeen codka kalsoonida.

Back to top button