Somali News

Cagjar: ” muddo badan ayaan ku taamayay in la weeraro Tigrey”

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cumar ayaa shaaca ka qaaday in uu muddo badan ku taamayey in la weeraro xisbiga Tigreega ee TPLF.

“Dulqaadka Abiy Axmed uu horray ugu muujiyay TPLF, aniga ahaan in badan ayaan ka xanaaqsana oo aan ku dhaliilayay. Meelo badan ayaan ka sheegay in dhidibada loo siibo kooxda TPLF;haddase madax badan ayaa nagu bogaadinaya”

Madaxweyne Mustafe wuxuu intaas ku daray in ay TPLF ay xasuuq u gaysteen Soomaalida. Sidaas wuxuu u sheegey Al-Jazeera.

Gobolka Tigrey waxaa ka socda dagaal ay boqolaal qof ku dhinteen muddo todobaad ah Dowladda Federaalka ah ee Itoobiyana wali guul kama gaarin dagaalkaas.

Back to top button