Somali News

Cali Cosoble oo Ku taliyay in Hirshabeelle yeelato laba Madaxweyne!

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo jeediyay in maamulkaasi uu yeesho laba madaxweyne.

Cosoble ayaa ku dooday in qabiilkiisa la riixayo. Waxaana qoraal uu Ku daabacay Facebook uu Ku sheegay in qaabilkiisa ay doortaan Madaxweyne Ku shaqeynaya Baladweyne.

Waxaa uu hadalkiisa u dhignaa;

Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan.

Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan.

Abgaal reer Baladweyne ah waa idinla joogaan ee ka dhigta madaxweyne ku xigeen, beelaha kale dhamaantoodna waa reer Hiiraan. Xawaadlow ogaada waa la idin riix riixayaa si la idiin tijaabiyo.

Ha ku dhicina imtixaanka. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa.

Fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin.

Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan.

Back to top button