Somali News

Cali Guudlaawe: “Beesha Caalamka nama caawin anagaa tashannay”

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka isaga oo ku dhaliilay in aysan taageerin maamulkiisa.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan wax taageero ah ku lahayn dhismaha Maamulka Hirshabelle waxaana uu ku faanay in iyaga oo ay ka maqanyihiin beesha Caalamka ay dhisteen Maamulkooda.

Magaalada Jowhar oo xalay lagu qabtay munaasibad sagootin ah oo loo sameynayay Odayaasha soo dhisay Hirshabelle ayuu Cali ka sheegay hadalkaas.

Waxaa uu dhinaca kale dhallinyarada Hirshabelle ugu baaqay in ay ku laabtaan deegaankooda isaga oo u ballan qaad ugu sameeyay in maamulkiisa uu xoogga saarayo awoodsiinta dhallinyarada.

Cali Guudlaawe Xuseen oo horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa waxaa 11kii Bishan Novermber loo doortay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Back to top button