FeaturedSomali News

Cali Khaliif: Aamusnaantii madaxweyne Farmaajo, waxay muujinaysaa in aan Xamar waxba noo ool.

 

Hoggaamiyihii Khaatumo State  Pro. Cali Khaliif Galaydh, ayaa walaac ka muujiyay su’aashii uu ka gaabsaday madaxweynaha dowaldda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo wax laga wadiiyay gobollada Sool iyo Sanaag iyo qorshaha dawladdiisa.

 

Cali Khaliif, oo u warramay Telefeshinka Nabadda, ayaa sheegay in aamusnaanta madaxweynaha dowladda federaalka ahi ay muujinayso in aan Muqdisho waxba u oolin dadka kasoo jeedaa goballada Sool iyo Sanaag.

Cali Khaliif Galaydh, oo la waydiiyay sida ay u arkeen hadalka madaxweyne Farmaajo ee ahaa ‘’ Way adagtay tahay su’aashaasi’’,  ayaa yiri.

‘’ Waxaannu u aragnaa in aan waxba aanay u oollin  Xamar Sool iyo Sanaag’’

Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in markii hore dadka kasoo jeeda Sool iyo Sanaag ay madaxweyne Farmaajo ka filayeen in uu maamul u dhiso deegaannadaas.

 

 

‘’ Dee isagu sidii Xasan muu oran halkaas waxba nagama jiraan, ee isagu waa ka aamusay. Laakiin oodi jiidis iyo qaadis waa isla guryo geyn uun’’ ayaa ka mid ahaa hadal Cali Khaliif Galayr.

 

Hadal Cali Khaliif, ayaa yimi maalmo kadib markii uu madaxweyne farmaajo ka gaabsaday Su’aal laga waydiiyay gobolladaasi wakhti uu marti ku ahaa Dood-cilmiyeed uu qabtay Machadka Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee RAAS.

 

Back to top button