Somali News

Cali khaliif Galleyr oo lagu aasay Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho lagu aasay Ra’isalwasaarihii hore Soomaaliya Cali Khaliif Galleyr.

Aaska Cali kgaliif waxaa ka qeybgalay Madaxweyanaha Soomaaliya, Ra’isalwasaaraha, Guddoonka Golaha Shacabka, Duqa Muqdisho, Madaxweyne Ku xigeenka Puntland iyo marti kale.

Waxaa kale oo ka qeybgalay xubno ka mid ah qoyskiisa sida xaaskiisa iyo Carruurtiisa oo ka yimid Mareykanka

Ehelka Cali ayaa dalbaday baaritaan lagu sameeyo geeridiisa oo warar soo baxay ay sheegayaan in la sumeeyay.

Cali ayaa saaka laga soo qaaday Magaalada Jigjiga oo uu 8dii bishan Ku geeriyooday.

 

Back to top button