Somali News

CCW: “Waxaan xog sugan ku helaynaa in CXD loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah Farmaajo iyo kuwa laga shakisanyahay”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/Raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa dhaliil u jeediyay Taliyayaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
C/Raaxmaan oo Qoraal ku daabacay Boggiisa Facebook ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanbka Xoogga iyo ku xigeenkiisa ay ku howlanyihiin kala qeybinta Ciidanka Soomaaaliyeed.
“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan.
Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka.
Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo.” ayuu yiri C/raxmaan
Back to top button