Somali News

Ciidama ka wada tirsan Dowladda oo Ku dagaallamay Muqdisho

Ciidamo ka wadatirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Ku dagaallamay Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Booliska ee suga amniga Magaalada iyo Ciidamo dharcad ah ayaa Ku dagaallamay Xaafadda Afisyooni ee degmada Waaberi.

Inta la xaqiijiyay laba ka mid ah kooxdii dharcadka ahayd ayaa Ku dhintay israsaaseynta oo in cabbaara socotay.

Goobjoogayaal Ku sugan Xaafadda ayaa Afisyooni ayaa sheegay labada dhinac ay rasaas xoogleh is dhaafsadeen.

Dadka degaanka ayaa walaac ka muujiyay isku dhacyada Ciidamada ee Magaalada Muqdisho.

Back to top button