Ciidamada Amniga magaalada Muqdisho oo fashiliyey Qarax Miino lagu aasay Degmada Heliwaa

Ciidamada NISA, booliska iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in la fashiliyo qarax miino oo lagu aasay Degmada Heliwaa, kaasi oo loo qoesheeyay in qasaare lagu geysto
Qoraal ay soo saartay NISA ayaa loogu mahadceliyey dadka shacabka ah ee gacanta kageystay la shaqeynta laamaha ammaanka, taasoo xaqiijisay in la baajiyo qarax qasaare geysan lahaa.
“Wada shaqayn dhaxmartay ciidamada Police-ka, NISA iyo shacabka degmada Heliwaa ayaa lagu fashiliyay miino ay argagixisadu galiyeen dhulka si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan. Wada-shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa dhabarjab ku noqonaya AlShabab”.ayaa Lagu yiri qoraalka NISA
Degmada Heliwaa ayaa ka mida goobaha ugu badan ee kooxda Alshabaab ka fuliso qaraxyada Miinooyinka ah ee dhulka la geliyo.