Somali News

Ciidamada Booliska iyo Asluubta isku heysta xaafad ka tirsan Afgooye

Taliska Ciidanka Asluubta ee Degmada Afgooye ayaa soo saaray waraaq ay uga hadlayaan go’aan ka soo baxay maamulka oo lagu baabi’inayo xaafadda Imbagaati ee degmada Afgooye.

Saraakiisha Asluubta oo shir jaraa:id Ku qabtay xaafadda Imbagaati ayaa uga digay Ciidamada Booliska iyo kuwa Birmadka ee degnadaasi in ay burburihaan xaafaddaas.

Shalay waxaa Magaalada ka dhacay banaanbax lagu diiddangahay buburinta xaafadda Imbagaati.

Xaafaddan ayaa dhisantahay sanadkii 2004tii markii Dowladdii KMG ahayd ee C/llahi Yuusuf lagu dhisay Imbagaati oo ka mid ah Kenya.

Back to top button