Somali News

Ciidamada DF oo howlgal ka fuliyay duleedka Afgooye

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan shabeellada hoose.

Deegaannada ay ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah Xaanshooley, Waraaboole, Doonweyne, Kaxaroow, Buulaloow, Maguurto-Baalgooy iyo Cumar Beerre oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa bulshada ku nool deegaannada ay howlgalka ka sameeyeen u qeybiyay raashin iyo daawooyin, madaama bulshadaasi ay ahaayeen kuwo nugul, isla markaana aan heysan waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka si ay u dareemaan naxariista dowladnimada.

Back to top button