Somali News

Ciidamada Dowladda iyo Al shabab oo Ku dagaallamay Diinsoor

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Ku sugan Gobolka Baay ayaa sheegay in ay khasaare u geysteen Ciidan ka tirsan Al shabab oo Ku sugnaa duleedka Diinsoor.

Dagaal ka dhacay goob 11km u jirta Degmada Diinsoor ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 19 ka mid ahaa Al shabab, laba kalena nolosha lagu qabtay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawadaa Yuusuf Raage oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay Ku guuleysteen burburinta Saldhig Al shabab Ku lahaayeen duleedka Diinsoor.

Ciidamada Dowladda iyo Alshabab ayaa waxaa ay dagaallo kedis ah Ku dhexmaraan Gobollada Dalka.

Back to top button