Somali News

Ciidamada Dowladda oo Al shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Galmudug

Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug iyo Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa sheegay inay Al-shabab kala wareegeen dhaca Koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo ay ku sugnaayeen muddooyinkii lasoo dhaafay oo ay ka arriminayeen.
Saraakiisha Ciidanka ayaa tilmaamay in Al shabaab ay kala wareegeen deegaanka Camaara, wararka ayaa intaas ku daraya in Alshababa ayaana iskaga baxeen Deegaanka Camaara ka hor inta aysan ciidamadu gaarin.
Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa maalmihii u dambeeyay Koonfurta Gobolka mudug ka waday howlgallo ka dhan ah Al-shabab oo dhowaan ay ku dhawaaqeen madaxda maamulka Galmudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa booqosho dhiiro galin ah ugu tagay Ciidanka
howlgan waday kaaray deegaanka Camara gobolka Mudug, waxaana ay sheegeen in howlgalka uu sii socon doono
Back to top button