Somali News

Ciidamada Dowladda oo joojiyay dagaal beeleed ka socday Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka ayaa ku guuleestay joojinta dagaal beeleed ka socday degaanka Nagaarta oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 5-aad qeybta 27-aad Kor Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa hoggaaminaya ciidankaasi dhanka Gal-gaduud waxaa iyane kayimid ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad.

Xaaladda deegaanka lagu dagaalmay ayaa degan waxaana hadda gacanta ku haaya ciidanka xoogga dalka.

Dagaal u dhaxeeya laba malleeshiyo Beeleed ayaa shalay iyo maantaba ka dhacay deegaannadaas.

Back to top button