Somali News

Ciidamada Dowladda oo qabsaday Magaalo muhiim ah

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay Magaalo Istiraatiiji ah oo Ku taalla Gobolka Shabeellaha hoose.

Guutada 4aad ee Kumaandooska DANAB ayaa howlgal ay qaadeen kula wareegay Magaalada Baladul Amiin oo Ku taalla Gobolka Shabeellaha hoose.

Magaaladan oo caan Ku ah Beeraha iyo xoolaha ayey Al shabab heysteen muddo dhowr iyo toban sano ah, waxaana ugu yaallay Maldonado ay ugu garsoori jireen dadka labada Shabeelle.

Taliska DANAB ayaa sheegay in ay howlgalkaas kula wareegeen Balad amiin iyada oo uusan dagaal toos ah dhexmarin labada Ciidan.

Ciidamada Dowladda ayaa todobaadyadii la soo dhaafay gallo ka dhan ah Al shabab ka waday waddada xiriirisa Balcad iyo Afgooye.

Back to top button