Somali News

Ciidamada Dowladda oo soo bandhigay Rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al shabab,Sawirro

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeellaha hoose ayaa soo bandhigay 18 qof oo ay sheegeen in ay ka tirsanyihin Al shabaab.

War ka soo baxay Milatariga Soomaaliya ayaa lagu yiri.

Iyada oo la fulinayo amarka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ahna madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidanka xoogga dalku waxaa ay howlgal ballaaran oo cadawga lagu cirib tirayo ka wadeen deegaano ka tirsan gobollada Shabeelooyinka.

Howlgalkii ugu dambeeyey ayay ciidanku ka sameeyeen tuulooyinka kala ah, maguurto, Gumarrey,Kaxarrow,Doonka weynow,Doonyarow,Cadeyley,Lafagaale iyo kuwa kale waxaana Howlgalkaan oo qaatay saacado badan jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxaha Khawaarijta ah .

Taliyaha howlgalka Hoggaaminaya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay 18 Maleeshiyaad ah kuwaas oo qaalbilsanaa miina galinta waddada udhaxeysa Tixsiile iyo Afgooye.

“Muhiimada howlgalka waa in Baaritaan lagu Sameeyo Tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada si loo baabiyo miinooyinka ay galiyaan waddada isku xirta Tixsiile iyo Afgooye” Ayuu yiri Cabdalla Mustafe taliyaha ciidanka howlgalka fuliyey.

Back to top button