Somali News

Ciidamada Dowladda oo soo bandhigay Xubno ka mid ah AL shabaab oo ay qabteen

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Baay ayaa gacanta ku dhigay Xubno ka mid ahaa Al-shabaab oo ay ku qabteen howlgal ay ka fuliyeen halkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Baay ayey ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen ilaa afar xubnood oo ka mid ah Al shabaab laguna qabtay howlgalka.

Saraakiisha ayaa ku eedeeyay xubnaha ka tirsan AL shabaab ee ay gacanta ku dhigeen in ay dhibaato ku hayeend adka deegaanka sida ay sheegeen.

Howlgalka lagu qabtay xubnaha ka tirsan AL shabaab ayey ka fuliyeen deegaanka Awdiinlle ee Gobolka Baay halkaas oo ay dhowr jeer ku dagaallameen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Back to top button