Somali News

Ciidamada Gaarka ah ee DF oo xiray Waddooyinka Muqdisho

Inta badan Waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran iyada oo dadku ku soo tooseen askar waddooyinka ka celinaya noocyda kala duwa ee Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Isgoysyada qaar ayaa lagu jaray Gaadiidka Ciidanka si aanay halkaas xitaa isugu dayin gaadiidka kale ee dowladda ama uusan u marin qof aan heysan ogolaanshaha Saraakiisha baraha hubinta.

Si ay dadka u gaaraan goobaha ay u socdaan ee shaqooyinka iyo danaha kaleba waxaa ay ku qasbanyihiin in ay cagta maalaan.

Arrinkan ayaa ku soo aadaya iyada oo maanta uu jiro Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo walaac badan laga muujinayo iyada oo Mucaaradka ay ka digayaan in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha Waqtiga ka dhamaaday.

Back to top button