Somali News

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay labada Doolow

Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamadii Itoobiya ee joogay Magaalada Doolow ay ka baxeen halkaas.

Ilaa laba saldhig oo ay Ciidamada Itoobiya ka joogeen Doolow Soomaaliya ayey faarujiyeen mana jirto Ciidan kale oo beddelay.

Sidoo kale Ciidamada Milatariga Itoobiya waxaa ay ka baxeen Magaalada Doolow Cadde oo ku dhow Doolow Soomaaliya.

Ismaamulka Soomaalida ayaa magaalada Doolow Cadde geeyay Ciidamada loo yaqaan Liyuu Boolis ee hoostaga Ismaamulka Soomaalida.

Ciidanka Dallas Itoobiya ee ka baxay Gedo iyo qeyb ka mid ah Ismaanulka Soomaalida ayaa lagu soo warramayaa in loo daabulay Gobolka Waqooyi ee Tigray.

Gobolka Tigrey ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Ismaamulka Tigrey oo dagaallamaya maalintii 3aad.

Back to top button