Somali News

Ciidamada Milateriga ee 14-ka Oktoobar oo dilay Horjooge ka tirsanaa Alshabaab (Magaciisa +Faahfaahin)

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa xalay dilay horjooge ka tirsan kooxda Alshabaab kadib weerar fashilmay oo xalay ku qaadeen Al-shabaab ay magaalada Marka ee Gobalka Shabeeda Hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo la hadlay Idaacada Ciidamada ee Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay weerar fashilmay ay kusoo qaadeen magaalada Marka, iyadoo dagaalka looga dilay laba qof oo uu ku jiro horjooge sare.

Horjogaha la dilay ayuu Taliyaha magaciisa uu ku sheegay Xuseen macalin Mujaahid Zubeyr. Wuxuuna intaasi ku daray taliyaha  in Horjoogaha la dilay uu ku xigeen u ahaa Horjogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Magaalada Marka.

Tags
Close
Close